Buugga "Emotional First Aid" waxaa qoray Guy Winch, oo khabiir ku ah cilmiga Psychology-ga. Buuggan waxa uu ku saabsan yahay sida loo daaweeyo dhaawacyada nafsaaniga ah ee inta badan dadka soo gaara, balse aan inta badan laga hadlin ama aan la siin daryeel ku filan. Guy Winch waxa uu buugga kaga hadlaa siyaabaha qofka uu u wajihi karo xanuunnada maanka iyo qalbiga sida niyad-jabka, xishoodka, murugada, kalinimada, iyo walbahaarka nolosha ee maalinlaha ah. Waxa uu ku boorinayaa akhristayaasha iney la socdaan oo fahmaan dhaawacyada nafsaaniga ah sida ay uga war-hayaan dhaawacyada jireed, taasoo ka dhigan in dhaawacyada qalbiga iyo maskaxda ay muhiim tahay in la daryeelo si lamid ah dhaawacyada jirka. (Halkan kala deg https://afkaarblog.net/wp-Emotional-First-Aid-Hurts-Guy-Winch-Ph.D.pdf) "The Highly Sensitive Person" oo uu qoray Elaine Aron, Buuggan waxa uu ka hadlayaa dabeecadaha iyo astaamaha dadka dareen-koodu sarreeyo, Elaine Aron, waxa ay sharxeysaa sida dadka ay uga adkaan karaan dareemahooda xasaasiga ah iyagoo baranaya xeelado nolosha lagu maareeyo, si ay uga fogaadaan walbahaarka iyo daalka xad-dhaafka ah ee uu dareenka sare u keeni karo. Buuggu waxa uu ku dhiirrigeliyaa dadku in ay fahmaan shakhsiyadooda, waxayna soo bandhigeysaa talooyin ku saabsan sidii ay u noolaan lahaayeen nolol waafaqsan dareenkooda.