Buugaagta ugu wanaagsan ee lagula taliyey akhristayaasha si ay u fahmaan caafimaadka maskaxda

Buugga “Emotional First Aid” waxaa qoray Guy Winch, oo khabiir ku ah cilmiga Psychology-ga. Buuggan waxa uu ku saabsan yahay sida loo daaweeyo dhaawacyada nafsaaniga ah ee inta badan dadka soo gaara, balse badanaaba aan laga hadlin ama aan la siin daryeel ku filan. Guy Winch waxa uu buugga kaga hadlaa siyaabaha qofka uu u wajihi karo xanuunnada maanka iyo qalbiga sida niyad-jabka, xishoodka, murugada, kalinimada, iyo walbahaarka nolosha ee maalinlaha ah. Waxa uu ku boorinayaa akhristayaasha iney la socdaan oo fahmaan dhaawacyada nafsaaniga ah sida ay uga war-hayaan dhaawacyada jireed, taasoo ka dhigan in dhaawacyada qalbiga iyo maskaxda ay muhiim tahay in la daryeelo si lamid ah dhaawacyada jirka. (Halkan kala deg https://afkaarblog.net/wp-Emotional-First-Aid-Hurts-Guy-Winch-Ph.D.pdf)

“The Highly Sensitive Person” oo uu qoray Elaine Aron, Buuggan waxa uu ka hadlayaa dabeecadaha iyo astaamaha dadka dareen-koodu sarreeyo, Elaine Aron, waxa ay sharxeysaa sida dadka ay uga adkaan karaan dareemahooda xasaasiga ah iyagoo baranaya xeelado lagu maareeyo, si ay uga fogaadaan walbahaarka iyo daalka xad-dhaafka ah ee uu dareenka sare u keeni karo. Buuggu waxa uu ku dhiirrigeliyaa dadku in ay fahmaan shakhsiyadooda, waxayna soo bandhigeysaa talooyin ku saabsan sidii ay u noolaan lahaayeen nolol waafaqsan dareenkooda. (laxiriir WhatsApp-ka hoos ka muuqda)

Buugga Recovery: Freedom from Our Addictions oo uu qoray Russell Brand waa buug dhiirrigelin ah oo ku saabsan habka looga gudbo balwadaha iyo qabatinka. Brand, oo ah majaajiliiste, iyo qoraa waxa uu ka sheekeynayaa waaya-aragnimadiisa la tacaalidda balwadaha iyo sidii uu uga bogsaday. Buuggu waxa uu bixinayaa hagitaan 12-tallaabo ah oo uu qofku isticmaalayo marka uu doonayo in uu joojiyo balwadda. Waxa uu ku cabbirayaa aragtidiisa cilmi-nafsiga, iyo falsafadda, Wuxuu ka hadlayaa balwado kala duwan, sida maandooriyaha khamriga, balwadaha kale ee bulshada, iyo xitaa balwadaha tignoolojiyadda, isagoo ku boorinaya akhristayaasha inay isticmaalaan habka uu ku taliyay si ay uga gudbaan caadooyinka waxyeellada leh. (laxiriir WhatsApp-ka hoos ka muuqda)

Buugga “It Didn’t Start with You” ee uu qoray Mark Wolynn waa buug diiradda saarayaa sida dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka guud ee qoysaska ay mararka qaar asal ahaan uga yimaadaan khibradaha iyo welwelka jiilalkii hore. Wolynn waxa uu adeegsadaa daraasaadka sayniska iyo tijaabooyinka caafimaad si uu u sharaxo sida xanuunnada, walbahaarka, iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha aysan mar walba uga imaanin dhacdooyinka qofka soo maray, balse ay ka dhalan karaan waayo-aragnimadii jiilasha hore ee qoyskiisa. Wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa fikradda ku saabsan epigenetics, oo ah cilmi daraaseeya sida waayo-aragnimada iyo dhibaatooyinka nolosha ee waalidka ama awoowayaasha ay saameyn ugu yeelan karaan jiilkooda dambe. Qoraagu waxa uu sidoo kale bixiyaa talooyin iyo xeelado ku saabsan sida loo helo faham qoto dheer oo ku saabsan asalka dhibaatada, buuggan waxa leeyahay waxtar gaar ah oo ku saabsan fahamka xiriirka qoysaska iyo sida uu u saameeyo nolosha shakhsiga, wuxuuna ka mid yahay buugaagta kor loogu qaadayo bogsashada iyo fahamka dhibaatooyinka qoysaska ee soo jireenka ah. (laxiriir WhatsApp-ka hoos ka muuqda)

“Hope and Help for Your Nerves” Waa buug uu qoray Dr. Claire Weekes waa buug hagitaan muhiim ah, oo loogu talagalay dadka la tacaalaya welwelka, walbahaarka, gaar ahaan dadka qaba dhibaatooyin la xiriira dareemayaasha sida welwel joogto ah, panic disorder, iyo agoraphobia. Dr. Weekes waxa uu si cilmiyaysan u sharraxayaa sababaha ay dadka ugu dhacaan xaaladahaas iyo sida maskaxda iyo jidhku ay ula falgalaan cabsida iyo walbahaarka. Waxa uu sidoo kale soo bandhigayaa habab fudud oo wax ku ool ah oo lagu maareeyo xaaladahan, sida habka uu ugu yeeray “face, accept, float, let time pass” waa hab lagu wajahayo dareemaha cabsida iyo welwelka, iyadoo diiradda lasaarayo aqbalidda halkii laga cararilahaa. (laxiriir WhatsApp-ka hoos ka muuqda)

Buugga We’ve Been Too Patient: Voices from Radical Mental Health oo uu qoray Robert Whitaker iyo Kelechi Ubozoh waa qoraallo la aruuriyey iyo sheekooyin shaqsiyeed oo ka hadlaya caafimaadka maskaxda, gaar ahaan dhaliilaha ka jira nidaamka caafimaadka maskaxda. Buugga wuxuu xoogga saarayaa in la qaabeeyo habab cusub oo caafimaadka maskaxda ah oo aan ku salaysnayn dawooyinka kaliya, balse lagu daro taageero bulsho iyo faham qoto dheer oo ku aaddan xaaladaha caafimaadka maskaxda. Buuggan wuxuu ka koobanyahay sheekooyin laga qoray dadka qaba dhibaatooyinka maskaxda ee ka soo horjeeda habka dhaqameed ee loo daryeelo dadkaas, waxa uu boorinaya wax ka beddelidda nidaamka iyo helidda xalal u gaar ah dad qaba dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda. (laxiriir WhatsApp-ka hoos ka muuqda)

Buugga “How to Change Your Mind” ee uu qoray Michael Pollan waa buug sahminaya taariikhda iyo cilmiga daaweynta iyo isticmaalka maandooriyaha ee loo yaqaanno psychedelics sida LSD iyo psilocybin (magic mushrooms). Pollan waxa uu ka hadlayaa sida maandooriyahan loogu adeegsan karo in lagu daaweeyo cudurrada dhimirka sida welwelka, niyad-jabka, iyo dhibaatooyinka kale ee maskaxda. Buugga waxa uu ku soo bandhigayaa sheekooyinka, shakhsiyaad kala duwan oo uu la kulmay iyo waaya-aragnimadiisa ku saabsan tijaabooyinka ku daweynta maandooriyahan, isaga oo iftiiminaya cilmi-baadhista cusub ee xagga neuroscience iyo psychology-ga ah. (laxiriir WhatsApp-ka hoos ka muuqda)