Aalado ku shaqeeya caqliga macmalka ah AI aad u isticmaali kartid cilmi-baarista

Cilmi-baarista marka laqorayo shaki malaha in ay kaaga baahan tahay wakhti iyo baaris badan. laakin ma og tahay inay jiraan aalado ku shaqeeya Ai oo aad si fudud oo waxtar badan ugu samayn kartid daraasadaada.

4 Aaladood oo ku shaqeeya caqliga macmalka ah, aadna u isticmaali karto cilmi-baarista si lacag la’aan ah;

1. ResearchRappit

waa Ai cajiib ah oo aad si deg deg ah aad ugu samayn kartid literature review-ga, waxa uu kuu abuuraya shabakad ku siinaysa darasadihii ugu dambeyey ee laxiriira mawduucaaga, waxad arki kartaa warqadaha sida aad ka ah loo xigtay oo ay u badan tahay inaad akhrido, waxa kale cajiib ah in warqad kasta oo aad akhriday khaanad ku gelinayo, marka aad u baahato aad si sahlan ku heli kartid.
https://www.researchrabbit.ai

2. Chat PDF

waxa uu u shaqeeyaa sida Chat GPT, waxa aad waydiin kartaa su’aalo, sidoo kale aad gelinaysaa buugga ama Warqadda ka dibna su’aalo ayaad ka waydiinaysaa. Tusaale ahaan nooca cilmi-baarista ee la adeegsaday, waxa uu aad u anfacaya dadka bilawga ku ah cilmi-baarista, iyo marka luuqadda la isticmaalayo ay adag tahay.
https://www.chatpdf.com/

3. Trinka

waxa uu kuu saxayaa (Grammar/Spelling) ka, qaab dhismeed ka jumladda, sidoo kale waxa uu leeyahay plagiarism check, citation check, journal finder. waxa uu aqoonsan karaa dhamman khaladaadka ku jira qoraalkaga.
https://cloud.trinka.ai/

4. Consensus

sida google ayaad xogta uga raadinaysaa waa (search engine), google marka aad wax ka raadinayso waxa uu ku tusidoonaa blogs iyo articles farabadan oo ay xitaa xasiimo la socdaan, mana hubtid in aad jawab saxan helidoontid, dhanka kale consensus waxa ay u badan tahay inaad ka hesho macluumad cadaymo iyo cimi-baaris dhab ah leh.
https://consensus.app/